<

Ciidamada Xasilinta Muqdisho oo soo rogaal celiyay Howlgal gaar ah oo ka dhacay degmadda…

Ciidamada Xasilinta ammaanka caasimadda dib u bilaabay howlgalladii magaalada, iyagoo maanta howgal ballaaran ka sameeyay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo ahaa mid si gaar loo qorsheeyay ayaa ciidamada xasilinta ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodon, gaar ahaan agagaarka isbitaalka Digfer  ee Gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka  ayaa sheegay in ciidamo isugu jira Nabad Sugid iyo Boolis ay howlgallo saacado qaatay ka sameeyeen xaafaddaasi, iyagoo  kusoo qabtay dad badan oo u badan dhalinyarro.

Hay’adaha ammaanka ayaan wax faahfaahin ah ka bixin howgalka maanta ka dhacay magaalada, waxaana goobahaasi ka dhacay falal hubeysan oo ay ugu danbeysay qoyskii agaasmaha Dahabshiil ee Koonfurta Soomaaliya lagu weeraray.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.