Daawo:RW Kheyre oo sheegay in maalmaha soo socda sameyn doono wax wali looga horeyn oo shacabka layaabi donaan

Ra’isulwasaare Xasan cali Kheyre ayaa kahadlay warar shegaayo in maalmaha soo socda oo degi doono mid kamid ah degmooyinka gobolka banaadir katirsan kana soo guuri doono xeen daabka dowlada.

Kheyre oo lahadlaayay wariyaasha ayaa sheegay in haatan loo dayac tiraayo mid kamid ah guryaha dowlada ku lahayd degmooyinka gobolka banaadir kana fog xarunta madaxtooyada halkaas ku shaqeyn doono degaan u ah.

Waxa oo sido kale sheegay in golaha wasirada ku faafi donaan degmooyinka gobolka banaadir si culeyska looga qaado xaafadaha ku teedsan madaxtooyada iyo wadada maka al mukarama.

Hadalkaan ayaa imanaayo xili degmooyinka gobolka banaadir nolosha ka jirta aad u kala dabaqad sareyso waxaana shacabka caasimada kuwada noolyihiin kuwa aan isku nolol ahayn.

 


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay