<

DEG DEG: Dagaal Qaraar oo hada ka socda Magaalada Dhuusemareeb

Dagaal Beeleed u dhaxeeyo Labo maleeshiyo Beeleed oo walaalo ah ayaa maanta ka bilaawday deegaanka Mirrig ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobalka Galgaduud.

Dagaalka oo wali ka socda deegaankaasi Mirrig ayaa la soo sheegaya in ay dad ku dhinteen kuwa kalane ay ku dhaawacmeen mana jirto ilaa hada cid kala dhax gashay dagaalkaasi.

Goob joogayaal ayaa ku soo waramaya in dagaalkaan maanta ka socda Mirrig oo ah deegaan ku yaala duleedka magaalada Dhuusamareeb uu daba joogo dilal hore uga dhacay deegaankaasi wax uuna u dhaxeeya maleeshiyo Hal beel ka soo jeedo.

Shacabka ayaa bilaabay in ay ka barakacaan deegaankaasi waxayna qaarkood gaareen Magaalada dhuusamareeb e Xarunta Gobalka Galgaduud.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.