<

DEGDEG: ONLF War Cad ka soo saartay Qaabkii ay Madaxda DFS Itoobiya ugu wareejiyeen Qalbi-dhagax (Magacyada Madaxda ka shaqeysay)

abhadda ONLF ee xoreynta Ogaadeeniya ayaa War Cad kasoo saartay sarkaal ka tirsanaa oo dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay ONLF oo lagu qoray bogga ururka ayaa lagu xaqiijiyay in C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo dhammaan qoyskiisa ay laayeen taliska TPLF ee Itoobiya.

ONLF waxay caddeysay in dowladda Soomaaliya ay si  qasab ah oo aan rabitaankiisa ahayn sarkaalkaasi ugu wareejisay Itoobiya iyadoo markii hore sheegtay inay sii deyneysi kadib markii laga soo qabtay magaalad Gaalkacyo.

Qoraalka ONLF ayaa caddeysay in madaxda Soomaalida ee xilligan ay dembi aan la cafin ka galeen umadda Soomaaliyeed, waxaana madaxdaasi ugu horeeya:

1- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo

2- Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre

3- Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe

4- La-tliyaha Amniga madaxweynaha Bashiir Maxamed  Jaamac (Goobe)


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. hadialamin45@hotmail.com says:

    DOWLADDA WAA DOLAD MUNAAFAQ AH NIN MASKIIN AH HADDII XURIYADIISA U DOODAAYI

    AAY KU WAREEJIYEEN WAA DULMI AAN ILAAH RAALI KA AHEEN.NIN SOOMAALI AH IN AAY KU

    WAREEJIYAAN DOWLAD CXADAWGEENA SOO JIREEN AH DOWLADDA CADEEN HAKA KEENTO SABABTA : DULIMIGA U SAMEEYEEN




.