<

DHAGAYSO: RW Hore Cumar C/Rashiid oo ka hadlay Heshiiskii Mahad Salaad & Itoobiya, sheegayna Inuu Mooshin ka dhan ah Kheyre geyn doono…

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid  Cali Sharmaake ayaa si adag uga hadlay  Heshiis xukumadii uu hoggaamin jiray la sheegay in ay la gashay dowladda Itoobiya, kaas oo ku saabnaa is dhaafsiga Maxaabiista.

Waxaa uu sheegay in uusan jirin heshiis  heer Faderaal ah oo ay la galeen dowladda Itoobiya ,laakiin uu jiray heshiis ku saabsanaa dhibaato ka taagneyd Xadka Galmudug iyo dowlad degaanka Soomaaliya ee Itoobiya oo ay wada gaareen labadaas maamul.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada ay gashay qiyaano adag ayna qasab tahay iney masuuliyadeeda qaadato

“C/Kariim Qalbi-dhagax waxaa uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed, In Itoobiya loo dhiibana dowlada ayaa masuuliyadeeda qaadeysa, mana ahan in heshiisyo aan jirin ay mar marsiiyo ka dhigato” ayuu yiri RW Hore Sharmaarke.

Mar uu ka hadlayay waxa uu Dastuurka ka qabo arrintan ayuu sheegay in dowladu ay xad gudub sameysay sidaas darteed uu baarlamaanka aqalka sare horgeyn doono qaladka dowlada.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.