<

Akhriso: 3-Qodob oo Laga Filan Karo Doodda Baarlamaanka ee Arrinta Qalbi-Dhagax & Mooshinka..

Guddoomiyaha golaha shacabka “Jawaari” oo shir guddoomiyay Khamiistii ayaa guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, ayaa go’aamiyeen in arrinta Qalbi-dhagax noqoto ajandaha xubnaha baarlmaanka ee Sabtida oo la filayo inuu dib u furmo kalfadhiga baarlamaanka oo u hakaday arrimo khuseeya Xajka iyo Ciidda.

Kalfadhigan ayaa waxaa iskugu imanaya xildhibaanno xamaasadeysan oo ay ka dhaadhici la’dahay in qof Soomaaliyeed loo dhiibto dowlad ay naga dhaxayso cadaawad soo jireen ah isla markaana lagu tilmaamayo argagixiso iyo kuwo kale oo u arkay arrin iska caadi ah maadama Itoobiya ay gudaha Soomaaliya kula dagaalamayso xarakada al-Shabaab oo aan cidna u naxayn shacabka iyo shisheeyuhuna uu iskugu mid u yahay.

Hadaba, muxuu yahay wadiiqooyinka la filan karoo in xubnaha baarlmaanka uga doodaan arrinta Qalbi-dhagax oo hadda ka weynaatay sidii ay ahayd, maadaama ay khuseyso arrimaha amniga dowladaha aan dariska nahay, gaar ahaan Itoobiya oo ciidamadeedo baaxad leh ay ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya.

Habab badan ayaa la filan karaa waxaase ugu waaweyn saddexdan oo kala ah:

Tan 1aad: Baarlamaanku iney ka dhigaan arrinta Khiyaano Qaran isla markaana Ra’isul-wasaaraha loo yeero

Haddii ay guulaysto ra’yiga ay qabaan xildhibaannada qaar ee uu ka mid yahay Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo lagu yaqaanno Itoobiya nacayb, waxaa ka dhalan kara:

a) In ONLF loo aqoonsado urur gobonnimo doon ah oo la diriraya dal gumeyste ah taageero buuxdana loo fidiyo.

b) In dowlad deegaanka Soomaalida oo hadda aan ognahay iney haystaa wax lagu sheegi karo nabadda loo iclaaminayo dagaal oo cadawgii ay la dirirayeen loo aqoonsado saaxiib dhow oo Soomaaliya ay leedahay, sidaa darteedna saaxiibtinimadii dhaweyd ee D.D.S.I ee DF Soomaaliya ay meesha ka baxo, meelaha xuduudaha ah ee Itoobiyana la adkeeyo Soomaal

lida iyo ONLF si isku mid ah ay cadow ugu arkaan illeen ‘Cadawgaaga saaxiibkii waa cadowgaa’.

c) In ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka joogaa ay dib u ugarasho sameeyaan oo jiidda hore ee al-Shabaab kula dagaalamayaan ay dib uga baxaan, taageero wixii ay u find karaanna ay la garab istaagaan, si aan Soomaaliya dib dambe xasillooni uga dhalan. Maadaama ay xaaladdu taabaneyso amniga Qarankooda.

d) In baarlamaanka Soomaaliya u muuqanayo mid aan qaadi karin mas’uuliyaddii ummaddu u igmatay uuna yahay mid caadifad gaar ah markasta u hiilinaya oo luminaya yoolkii guud ee ummadda oo ahaaa in marka hore xasillooni la helo, ku darso qofku marka uu yahay ’emotional’ siyaasi ma noqdo waxa uu ku fiican yahay in ciidan laga dhigto oo qura, maadaama qofka siyaasiga ah mar kasta uu ka xeel dheer yahay arrimaha dareenka ku

dhisay, meelaha dheerna waxbuu ka eegaa uma dabacsana arrin kasta oo aragti gaaban ah dadkiisa iyo dalkiisana ayaana hortabinta ugu horreya u leh meel doogleh ayuuna u horseedaa dalkiisa.

Kan 2aad: In ONLF loo aqoonsado urur argagixiso ah oo nabadda dalalka dariska khatar ku ah

Baarlamaanku waa sharci dejintii dalkani uu leeyahay, haddii dood la furana waxaa lagama maarmaan noqoneysa iney natiijo ku dhamaato oo go’aan laga soo saaro.

Haddii ay go’aanku noqodo in ONLF loo aqoonsado iney yihiin argagixso , waa sida ay qabaan xildhibaannada qaar oo uu ka mid yahay Daahir Amiin Jeesow waa dhacayso waa dhacdo kale oo raadkeeda yeelanaysoo waxaa ka dhalan kara:

a) Markii hore waxaa laga qeylinayay hal sarkaal oo ka tirsan ONLF “Qalbi-dhaxag” in Toban toban la iskugu xirxiro oo Itoobiya ay fursad ku hesho halkaa ay ku cirib tirto jabhadda oo la ogyahay dalkan iyo dadkan taageeradeeda wixii ay u galeen iyo dhibkii ay ka mareen, ayna dhici karto dad badan oo aan ka mid ahayn laakiin dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale ay ka leedahay Itoobiya loo qabqabto arrintaa oo dabadeedna dad nabad ku noolaa ay xaaladdu ku xumaato.

b) In dhulkii ay Soomaalidu ku doodaysay qeyb ahaan loo xalaaleeyo Itoobiya oo wadadii ku dheerayd loosoo dhaweeyo isla markaana ay meel fudud ka helaan arrin ay ku adkaan lahayd iney qarniyo ku gaaraan. Taas oo ah in dadkii Soomaalida Itoobiya loo aqoonsado iney Itoobiyaan yihiin taasina ay keeni karto arrimo aan ciribtooda dambe la mahdin.

c) In xukuumaddu ay hesho meel ay kaga baxsato arrintii Qalbi-dhagax oo runtii noqon karta mid aan ku habbooneyn iney xilliga maxaabiis is dhaafi la yeeshaan Itoobiya, laakiin marka hore ay ku qummaneyd iney heshiis ballaaran oo aan turxaan lahayn ay la galaan Itoobiya, si loo hubayo maxaabiista ay gacanta Itoobiya u gelinayaan iney helayaan cadaalad dhab ah si loo ilaaliyo xuquuqdooda aasaasiga ah ee ay leeyihiin.

Kan 3aad: In goluha Shacabku garwaaqsado arrintan Khatarta ay leedahay isla markaan uu ka aamuso

a) Qodobkan ayaa ah kan ugu wanaagsan ee dalka maanta dan u ah, waana kan uu kaqabo madaxweyne Farmaajo, haddii ay wadaniyadi jirto dalka iyo dadka loo daneynayo, dhabna ay tahay in arrintu aaney taagneyn Qalbi-dhagax ee ay taagan tahay mid Qaranka loogu hiillinayo cid kastaaba rabitaankeeda gaarka ah haka tanaasusho si danaha Qaranka loogu hiilliyo.

b) In Xukuumadda culeys lagu saaro in ay magdhow siisyo ehelladii Qalbi-dhagax maadaama sida la sheegay uu kasoo qeybgalay dagaalkii 77 kuna dhaawacmay, sababtaana magdhowga loo cuskanayaana ay taa noqoto.

c) ONLF in la iska fogeeyo xubnahooda loo sheego meeshii kale ee ay ku nabad galayaan ay raadsaadaan, maadama duruufaha jira awogood aaney saamaxayn in taageero muuqata iyo mid aan muuqanba loo fidiyo.

Ugu dambeyn, waxaa muhiim ah iney shacabka Soomaaliyeed ogaadaan in dalkani uu dhibaato farabadan lugaha kula jirto, arrin kastana aaney iska taageerin ‘Dameeri dhaan raacna’ yaan loo ekaan, markasta aan is weydiinno ciribta dambe waxa iman kara. Runtii dadkii arrinta Qalbi-dhagax buunbuuniyay dalka waxay geliyeen khatar dhinac walba leh oo mid dhaqaale iyo midda aminiba ah, aqoon darro haka noqoto oo taa loogu cudur daaro amba ulajeeddo siyaasadeed oo qarsoon ha yeeshaan, waa iney mas’uuliyadooda qaataan, dhanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo sida ay uga jawaabceliyeenna aad ayay u adkeyd waa iney ka soo dabcaan halka ay joogaan.

W/Q: Idirs Xuseen Faarax


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.