<

DAAWO:Gudoomiye Jawaari oo Waji Cusub u yeelay Kiiska Qalbi Dhagax & Doodii Xasaasiga aheyn ee Xildhibaanada…

Magalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya kulankaas oo ay kaga hadlayeen arrintii xiisada faraha badan dhalisay ee ku aadan wareejintii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax.

Inta uu kulanka socday ayaa Xildhibaanada ay ku kala aragti duwanaayeen arrinta Qalabi Dhagax, qaarkood ayaa wareejintaas ku taagersanaa dowladda halka qarkood ay ka soo horjeedeen.

Dood dheer kadib Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa Xildhibaanada ku wargeliyay in Guddi ka soo tala bixiya arrintaan loo saaray isla markaana xildhibaanada dib loogu soo celin doono.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u kala qeybsamay Afar qeyb oo kala ah:

1) Qeyb Xildhibaanna ah oo soo jeediyay in arrinta Qalbi-dhagax guddi loo soo saaro.

2) Qeyb ku doodeysa in heshiisyada dhammaan la keeno golaha si doodad arrinta Qalbi-dhagax loo galo.

3). Qeyb xukuumadda Kheyre si xun ula dagaalsan oo in lala xisaabtamo oo la tuuro rabto.

4) iyo qeybta ugu dambeysa Xildhibaannada oo Xukuumadda aaminsan, lehna iyada ayaa mas’uul ka ah amniga iyo siyaasadda dalka.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.