<

DEG DEG: Ciidamada Mareykanka iyo kumaandooska DF oo Weerar Cir iyo Dhul ah ka fuliyay Gobalka Sh/hoose…

Duqeyn culus ayaa ka dhacday degaanka Kuunyo Barow oo ka mid ah degaanada hoos yimaada Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo Mareykan ah ayaa la sheegay in ay fuliyeen duqeyntaasi.

Maamulka degmada Baraawe ayaa xaqiijiyay in duqeyntaasi lala beegsaday Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla degaankaasi.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose Aadan Cumar madoobe ayaa sheegay in aysan jirin waxyeelo soo gaartay dadka Shacabka ah intii uu socday howlgalkaasi.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in duqeyntaasi lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo uusan sheegin tiradda iyo Magacyadda.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xoogeystay duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ee ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.