<

Deg Deg Dhageyso: Ciidamada DF oo weerar ku qaaday Shabaab kana saaray deegaao Cusub…

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ururka Al-shabaab kala wareegay Shan tuulo oo ka tirsan degmada Qoryooley, sida uu warbaahinta xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhiga degmada Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal).

Wuxuu sheegay Cali Waal Howlgal gaar ah oo ay sameeyeen in ay kula wareegeen tuulooyinkaasi, ayna sii socon doonaan howlgalada ka socda Qoryooley ee Shabaab lagula dagaalamayo.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Cali Waal ayaa sheegay tuulooyinkaasi in ay la wareegeen labadii maalmood ee ugu dambeysay, ayna ka mid yihiin tuulooyinka Bandar, Daraano, Xarun-labaad iyo kuwo kale.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale inoo sheegay Shabaabka in ay ka dileen Afar nin, ayna ka qaateen laba Qori, wuxuu kaloo inoo sheegay laba Shabaab ah in ay nolosha ku soo qabteen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhiga degmada Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) ayaa dhanka kale sheegay in ay gacanta ku dhigeen raashiin uu sheegay Shabaabka in ay ka soo uruuriyeen dadka shacabka ah.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.