<

Deg Deg Dhageyso: Faah faahinta Qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay Baladweyne & Wariyaal ku dhaawacmay…

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah.

Qaraxa ayaa waxaa geystay ruux isku soo xiray waxyaabaha Qarxa, waxaana uu ka dhacay Afaafta hore ee xarunta maamulka gobolka Maqaayad ku taalla.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad badan.

Duqa Magaalada Baledweyne Cali Dhuux Cali Mahad Alle ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen 2 qof sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 qof oo Shacab ah.

Ku dhawaad 10 qof oo dhawaac ah ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Baledweyne sida ay xaqiijiyeen dadka ku sugan Baledweyne.

Wariyayaasha ku sugan Baledweyne ayaa xaqiijiyay in Qaraxaasi dadka ku dhaawacmay ilaa iyo hadda laga yaqaan wariyeyaal ay ka mid yihiin C/Shakuur Maxamed oo u shaqeynayay Idaacadda Starfm iyo Saabtv, C/Qaadir Cumar Ibraahim RTN iyo Simba iyo Cabdullahi Cismaan Macallin Jubaland TV iyo codka hiiraan.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.