<

DEG DEG: Mas’uuliyiin & Ganacsato Caan ah oo Lagu Xir xiray Magaalada Baydhabo…

Maamulka Koofur Galbeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay,waxaana ay ku xir xireen mas’uuliyiin hore oo ka tirsanaa Dowladihii soomaray Dalka iyo maamulka Koofur Galbeedba.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda amniga kg C/Qaadir C/Raxmaan Cali; ayaa sheegay in Ciidamada maamulka Koofur Galbeed ay degaannada maamulkaas ka billaabeen howlgal hubka dhigis ah.

Waxaa uu sheegay in ilaa hadda ay xireen 5; mas’uul oo hore iyada oo warar hoose ay sheegayaan in Mas’uuliyiintaas hore uu ka mid yahay Aadan Saransoor,Ganacsade magaciisa lagu sheegay Bukuroow Maxamed Macallin iyo Rag kale.

Wasiiru dowlaha waxaa uu xusay in mas’uuliyiintaas hore uu galay tuhun ah dhinaca amniga sidaas darteedna howlgalka uusan kaligood ku socon ee uu yahay mid si guud loogu xaqiijinayo amiga degaannada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ayuu sheegay in ay baaritaanka iyo howlgallada xasilinta ah ay ka billaabeen saddexda Gobol ee maamulkaasi uu ka arrimiyo.

Mas’uuliyiinta la xiray ayuu sheegay in baaritaan lagu sameynayo qofkastana la marsiinayo sharciga waxa uu ka helana uu qaadan doono.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.