<

Deg Deg XASAASI: Wasiir Xilkiisa ku waayay Arinta Qalbi dhagax…

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Caasimadda u ah Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey uu Xilkii ka qaaday Wasiir dowlihii Madaxtooyada iyo xiriirka Gobolada Bashiir Gurxan.

Xilka qaadista Wasiir Dowlaha Madaxtooyada ayaa timid ka dib Markii Wasiir Bashiir Gurxan uu sheegay in Golaha Wasiiradda Puntland ay Taageereen Go’aankii Xukumadda Soomaaliya ay ka qaadatay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ay Puntland Taageertay islamarkaana Sababahaas uu Xilka ku waayay.

War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirada Puntland aysan Taageerin Go’aankii Golaha Wasiiradda Soomaaliya ay ka qaateen C/kariin Qalbi-dhagax islamarkaana hadalka Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Puntland uu yahay mid u gaar ah oo uusan Qofna ku matalin sidaana Xilka looga qaaday.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.