<

DHAGAYSO: VOA oo Warbixin Sir ah ka diyaarisay Dhiibidii Qalbi-Dagax & Heshiiskii IGAD

Idaacada Voice Of America (VOA)  ayaa warbixin xasaasi ah ka diyaarisay qaabkii Itoobiya loogu gacan geliyay C/Kariim Muuse Qalbi-dhagax.

Warbixintan waxaa ku jira Heshiisyo ay kala saxiixdeen dalalka IGAD oo sheegaya in maxaabiista la isku wareejiyo, nooca maxaabiis ee la wareejin karo iyo sida ay Qalbi-dhagax arintaas usaameysay.

Prof Cabdi Ismacil Samatar ayaa isna fashiliyay in dowladu ay ku jirto xaalad aan daganeyn, taasna ay masuul ka tahay Itoobiya oo qasabtay, laakiin Xildhibaan Dahir Amin Jeesow ayaa taageeray in la wareejiiyo Qalbi-dhagax.

HALKAAN KADHAGEYSO XOGTA QALBI DHAGAX

Ninkan Itoobiya ayuu danbi ka galay, waxaana qasab ah in iyaga lagu wareejiyo”ayuu yiri Xildhibaanka oo tusaale usoo qaatay in Kenya ay Soomaaliya kusoo wareejisay Xasan Xanafi  kadibna la toogtay.

Prof Cabdi Ismacil Samatar ayaa dhankiisa sheegay in fadeexadda ugu weyn ay tahay in Qalbi-dhagax uu ahaa sargaal sare oo katirsanaa militeriga Soomaaliya kana soo muuqday dagaalkii 77-dii Itoobiya lala galay.

Hadaba, miyay jirtaa qaab ay DFS ku bad-baadin kartay Qalbi-Dhagax- Hoos ka dhagayso Xog cajiib ah.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. hadialamin45@hotmail.com says:

    DAAHIR AMIIN JEESOW WAA CIYAAL SUUQ AADAAB

    LAHEEYN SABATOO AH XANAF WUXUU AHAA NIN SOOMAALI AHAA WADANKIISA AYAA LAGU MAXKAMADEEYAY ABDIKARIIM QALBI DHAGAXNE WAA NIN SOO MAALI AH EE ADIGA WAXAAD KA WADAA WAA NIN ITOOBIYAN AH AYUU AHH TOOS SOO CADEEY IN UU NIN SOO MAALI AHEEN HADAAD RUN SHEEGEYSID OO MUNAAFAQ AHEEN;




.