<

Dhageyso: Aqalka Sare oo Caddeyay in ONLF aysan aheyn Argagaxiso kana horyimid go’aanka Xukuumada…

Waxaa isasoo taraya ka hadalka Go’aankii ka soo baxay dowladda Soomaaliya kaas oo ku aadanaa in Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha Ururka ONLF, oo ay ku sheegtay in uu xiriir la’lahaa Al-Shabaab Itoobiyana ay ku wareejisay.

Senator Axmed Xaashi Maxamuud oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Ururka ONLF uusan aheyn mid argagaxiso ah,warka dowladda kaas oo baxana uu yahay mid aan wxba ka jirin.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

“ONLF, maahan argagaxiso waa Shacab xurnimo doon ah, oo gadoodsan, mahan Alqaacida iyo qulyaha wax qarbuda isma qarxiyaan anaga wax nooma dhimaan iyo waliba Caalamka ayuu yiri Senator Axmed Xaashi”

Waxa uu sheegay in ONLF, ay tahay dad doonaya wax uga maqan sisharcidaro ah,balse aan ku wanagsaneyn in lagu tilmaamo argagaxiso sida uu hadalka u dhigay.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.