<

DHAGEYSO: Banaanbax Ka Dhacay Kismaayo//Qalbi Dhagax oo Loo Ilmeeyey & Shacab Xabsi Lagu Guray

Waxaa Banaanbax siyaabo kala duwan uu uga dhacay Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Ahna Caasimada Kumeel gaara ah Ee Jubbaland.

Dibad baxa ayaa waxa ka qeybgalayey dad ubadnaa Haween iyo Dhalinyaro kuwaasi  oo la sheegay inay ka xumaadeen dhiibitaankii C/kiriin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyey Dalka Itoobiya.

RIIX HALKAAN SI  AAD UDHAGEYSATO CODKA

Kudhawaad 40 Qof oo Shacab ah ayaa waxa Xabsiga loo taxaabay Shalay ilaa Xalay kuwaasi oo dibad baxa ka dhigayey Magaalada Kismaayo.

Ciidanka Jubbaland ayaa waxa Amray Xariga dadkaan Madaxda Sare Ee Jubbaland maadaama ay Amniga Dhibaato ku hayeen oo ay ubanaanbaxayeen C/kiriin Qalbi dhagax oo Itoobiya loo dhiibay.

C/kiriin Muuse Qalbi dhagax ayaa waxa Dawlada Soomaaliya la sheegay inay ugacan gelisey Dawlada Itoobiya taasi  oo buuq iyo Caro ka dhalisey Shacabka Soomaaliyeed Ee dalka iyo dibadiisa kudhaqan badankood.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.