<

Dhageyso: Caalim oo Tooshka ku ifiyay Siyaasiyiinta ka faa’ideysanaya Kiiska Qalbi Dhagax, Fariina u diray Madaxda Sare & Shacabka…

Aqoon-yahanka ka Faalooda Arimaha Somalia kuna nool dalka Finland Maxamed Caalim oo wareysi Xasaasi ah siiyay Warbaahinta gudaha ayaa si adag kaga hadlay kiiska Qalbi dhagax & Siyaasiyiinta Mucaaradka ah oo ka faa’ideysanaya arintaan si loo rido dowlada Farmaajo.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA:

Sidoo kale Caalim ayaa caddeeyay in la siyaasadeeyay kiiska Qalbi dhagax isagoo shacabka iyo waxgaradka Soomaaliyeed kaga digay in dowlada Somalia laga horyimaado waxaana uu dhanka kale fariin muhiim ah u diray Madaxweynaha isagoo kula taliyay in uu ka hadlo qaladka laga galay qalbi dhagax shacabkana runta uu usoo bandhigo sidoo kalana qalka la saaro cidii mas’uulka ka aheyd kiiskaasi.

Caalim ayaa ugu Dambeyn ku baaqay in muhiim ay tahay Shacab iyo dowlad in lagu mashquulo horumarka dalka xoogana la saaro dhismaha maamulka hirshabelle arinta sheekh muqtaar rooboow iyo la dagaalanka Shabaab.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.