<

Dhageyso: Dilka Haweeney Shabaab u aheyn Sirdoon oo Xiisad ka dhex Abuuray DF…

Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa ku eedeeyay taliyaha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolkaas uu bixiyay amar lagu dilay haweeneey dhawaan lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay deegaanka Muura Gaabeey ee Gobolkaasi Bakool.

Waxa uu sheegay in Gabadhaas markii ay ciidanka Gacanta ku dhigeen baaritaano dheer kadib la ogaaday in ay aheyd basaasad u shaqeyneysay Al-Shabaab,isla markaana ay aheyd in Maxkamad la soo taago laakin Maalintii xigtay Gabadhaas la toogtay.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in markii baadi goob lagu sameeyay Ciidamadii toogtay Gabadhaas ay sheegeen in uu amarka lagu dilay lahaa Cabdiraxmaan Maxmed Cismaan Timacade taliyaha Guutada 8,aad ee degmada Xudur.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in ehelada Gabadhaas ay haatan wadaan dacwad ah in ay ogaadaan sababtii loo dilay Gabadhooda,dhacdadaana loo gudbiyay taliyaha qeybta oo jooga Baydhabo iyo taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo jooga Muqdisho.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.