<

Dhageyso: Faah Faahin Laga Bixiyey Sarkaal Sare Oo Al-shabaab Laga Diley….

Maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in duqeyn ka dhacay deegaanka Kuunyabarow oo qiyaastii 185-km jirta degmadaasi lagu diley sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

Bashiir Maxamed Yuusuf oo ah guddoomiyaha dhanka ammaanka degmada Baraawe ayaa sheegay in sarkaalka la diley uu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka soo xero gelinta dhallinyarada.

Waxa uu tilmaamay in gantaal lagu dhuftay halkii uu fadhiyey, isaga oo tilmaamay in goobta uu ka baxsaday sarkaal kale.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKA

Guddoomiye Bashiir ma aanu sheegin magaca sarkaalkan la diley, hase ahaatee wuxuu tilmaamay in Al-shabaab uu muhiim u ahaa.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.