<

DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo Xog ka bixisay Qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay Baydhabo…

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faahfaahin ka bixiyay Qarax Khasaare geystay oo shalay gelinkii dambe ka dhacay Maqaayad ku taalla Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Qaraxaasi ayaa waxaa fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasi oo beegsaday dad ku sugnaa Maqaaxida Barwaaqo.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelay ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen 2 qof sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Saddex qof oo Shacab ah.

Waxa uu sheegay in ciidamada Ammaanka ay waddaan howlgallo kala duwan oo Ammaanka lagu xaqiijinaayo.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayuu sheegay in uu yahay mid wanaagsan.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.