<

DHAGEYSO: Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray shacabka…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Dagaaldega maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed Alle ugu baryay sanadkan sanadkiisa in barwaaqo baraare, caafimaad iyo cimri Eebbe nagu gaarsiiyo, intaasina uu aas aas u yahay amniga.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Madaxweynha waxa uu sii wayn ugu muujiyey dhambaalka hambalyada ciidda ee uu u diray shacabka Soomaaliyeed ahmiyadda ay nabadda iyo amnigu u leeyihiin umadda, maadaama haatan si wayn looga soo kabtay dhibkii bur burka.

Madaxweynaha ayaa yiri: “haddii aan anagu masuuliyiintii nahay waxaanu u istaagnay in aan ka shaqayno amniga, qof kasta oo Soomaali ahna waxaan ka doonaynaa in uu nagala shaqeeyo, maxaa yeelay cadawga aan leenahy hadda waa kooxaha nabad diidka ah oo u diiday Soomaaliya horomar”

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay dadaalka dowladdu ay ugu jirto xasilinta dalka, isagoona rajo ka muujiyey in Soomaaliya oo Nabad dhamaystiran ay ka jirto lagu ciido sanadka soo socda.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.