<

Dhageyso:-Wadahadalada Somalia Iyo S/land Oo Dib U Bilaabanaya…

Hadalkaan ayaa waxaa wrbaahinta u sheegay wasiirka howlaha Guud iyo guryenta Maamulka soomaaliland oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Haregysa kadib markii uu Turkiga kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas.

Xasan Xasan Maxamed ayaa sheegay in masuuliyiintii uu la kulmay uu kala hadlay marka hore sidii Turkigu uu uga qeyb qaadan lahaa dib-udhiska Soomaaliland iyo sidii uu u siin lahaa taageero dhinac walbo ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxa uu sheegay in sidoo kale Wasiirka Aarimaha Dibadda Turkiga uu ku wargeliyay in turkigu uu weli diyaar u yahay in ay dib u bilaawdan wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo waliba Maamulka Soomaaliland.

Dhowr mar oo hore ayaa waxaa wadahadalo Turkiga iyo waliba dalka Itoobiya ay wadahadalo ku dhexmareen masuuliyiin ka kala socotay Soomaaliya iyo waliba Maamulka Soomaaliland kuwaas oo fahsil ku soo dhamaaday.

Jamhuuriyadda iskeed isku Magacaawday ayaa Madaxdii dalka Soomaaliya soo martay waxa ay iskudayayeen in ay ka dhaadhiciyaan in ay wada ahdlaan basle inta badan aan lagu guuleysan basle dowladda hadda jirta ee uu madaxda ka yahay Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaanan weli soo hadal qaadin arrinta ku aadan wadahadlo dhexmara Soomaaliya iyo Madaxda soomaliland.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.