<

Dhageyso Xasaasi: Xildhibaanada BF oo maanta ka doodaya Kiiska Qalbi dhagax & Olole Xoogan oo socda….

Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa la filayaa in maanta ay kulan ku yeeshaan Xaruntooda Muqdisho,kulankaas oo ah mid si gaar ah diiradda loogu saarayo wareejinta Dowladda Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya C/Kariin Sh.Muuse.

Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa ku kala aragti duwan go’aanka Xukuumadda iyo habka ay u martay wareejintiisa,waxaana Xildhibaannada qaar ay qabaan in dowladdu ay ku saxneyd arrintan,halka kuwo kalena ay aad uga caroodeen islamarkaana ay dowladda Mooshin ka gudbiyeen.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Kulankan ayaa 6dii iyo 9kii Bishan u baaqday marna Guntin (Kooram) la’aan marna si caadi ah loo fasaxay iyada oo maanta ay Xildhibaannada markale u ballansanyihiin.

Guddoomiye Jawaari oo kulankii ugu dambeeyay sheegay in Xildhibaannada kulanka joogay ay ku filnaayeen fadhiga hayeeshee iyaga oo jooga aysan saxiixin Buugga Xaadirka darteed kulanka u baaqday kuwaas oo uu sheegay in xeer hoosaadka Baarlamaanka lala tiigsan doono.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.