<

DHAGEYSO: Xildhibaanada BF oo ku kala aragti duwanaaday arrinta Qalbi-Dhagax..

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwanaaday arrinta sarkaal ka tirsan Jabhada ONLF C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax), kaasi oo la sheegay Dowladda Soomaaliya in ay ku wareejisay Itoobiya.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay arrintan in ay tahay mid musiibo ah oo shacabka Soomaaliyeed ay dareen gaar ah ku reebtay.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Wuxuu sheegay xildhibaan Abuukaate in ay qalad tahay muwaadin Soomaaliyeed in Dowladda ay ku wareejiso Itoobiya, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Dowladda ay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta hantida shacabka iyo jiritaankooda.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa dhankiisa sheegay Itoobiya in ay xaq u leedahay in ay raadsato Qalbi-Dhagax, maadaama uu la dagaalamayay, balse marna aanan la dooneyn in dalka uu u burburo arrinta ku saabsan Jabhada ONLF.

Ehelada Muwaadinka Dowladda Itoobiya gacanta loo galiyay oo dhowaan kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay sheegeen inay aad uga xun yihiin ficilka Dowladda Soomaaliya ay ku kacday.

Wargeyska Ethiopian Observer oo warbixin ka qoray arrinta C/kariin Sheekh Muuse ayaa sheegay Sarkaal C/kariin Sheekh Muuse in Dowladda Itoobiya uu la dagaalamayay ilaa 1984-kii.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa 23-kii bishan waxa ay howlgal ku soo qabteen C/kariin (Qalbi Dhagax), kadibna Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ayaa waxa ay keeneen magaalada Muqdisho, iyada oo ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiya.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.