<

Dhageyso: Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay RW kheyre oo Shir Jaraa’id qabtay kuna Hanjabay Hal Arin…

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya in ay maanta isbaaro u dhigatay kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka .

Xildhibaanada ayaa sheegay intaasi ay tahay wax laga xumaado,islamarkaana aysan xukuumadda uga hari doonin .

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Xildhibaano ay ka mid yihiin Mahad Salaad ,Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Canab Xasan Cilmi ayaa sheegay in tahay waxii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka wax laga xumaado.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa dhankiisa sheegay saaka aroortii in la xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo looga gol leeyahay in lagu baajiyo kulanka Baarlamaanka ee maanta.

Canab Xasan cilmi ayaa sheegtay in xukuumadda Kheyre ay sameysay Musuqmaasuq weyn.

Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, ayaa wuxuu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in Xubno ka tirsan Wasiirada Soomaaliya oo haddana Xildhibaano ah iyaga oo jooga xarunta Golaha Shacabka ay saxiixi waayeen buuga isxaadirinta Xildhibaanada.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.