<

Dhageyso: Xog Cusub aan ka helnay Ujeedada Safarka Sheekh Muqtaar Roobow uu ku tagayo Baydhabo…

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faahfaahin ka bixiyay warar ay saakay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida oo ahaa in Sheekh Mukhtaar Roobow uu ku wajahan Magaalada Baydhabo.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar ayaa sheegay in Sheekh Mukhtaar uusan maanta imaan doonin Baydhabo laakiin la filaayo maalmaha soo socda in uu yimaado.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxaa uu sidoo kale sheegay in sababta uu u taagayo Baydhabo ay ka hadli doonaan Madaxda Sare ee Koonfur Galbeed.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyntii tilmaamay Mukhtaar Roobow in uu soo booqanaayo Baydhabo maadaama ay tahay Magaalada uu kasoo jeedo.

illo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Rooboow magaalada Baydhabo u tago arimo la xariira wadahadalka DF Somalia uu kula jiro oo xumaaday waxaana u yeeray Shariif Xasan sheekh aadan.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.