<

Dhageyso: Xukuumada RW kheyre oo dabagal ku bilaabeysa hishiisyadii ay saxiixeyn Dowladii Xasan Sheekh..

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib u eegis ay ku sameyn doonto dhammaan Heshiisyadii ay gashay dowladdii Hore.

Wasiirka ayaa sheegay in Heshiisyadaasi lagu sameyn doonto qabyo tir,islamarkaana la waafajin doono Sharciyadda u yaalla dalka Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamtay in heshiisyaddaasi qaarkood ay suurtagal tahay in aysan waafaqsaneyn Shuruucda dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadalkaan sheegtay ka dib markii ay wareejisay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi oo gacanta loo galiyay dowladda Itoobiya.

Waxaana Xukuumadda ay sheegtay in Wareejinta ay ku timid heshiisyo ay horay u gashay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.