<

SAWIRO: Wararkii Ugu Dambeeyay Dooda Xildhibaanada Kiiska Qalbi dhagax oo socota & Xildhibaano gaaraya 55-Mudane oo…

Kalfadhiga Golaha shacabka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho,waxaana Xildhibaannada ay ka doodayaan go’aanka Xukuumaddu ku wareejiyay C/Kariin Sh.Muuse Qalbi-dhagax.

178; Xildhibaan oo ka mid ah 275 Xildhibaan ayaa saxiixay Buugga Xaadirka sidaas ayuuna ku furmay Kalfadhiga Golaha shacabka.

52; Xildhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka ayaa isu diiwaangeliyey in ay ka hadlaan arrinta Xukuumaddu ku wareejisay Qali-dhagax.

Xildhibaannada ilaa hadda ka mid ah C/Rashiid Maxamed Xiddig oo sheegay in Xukuumadda ay ku qaldaneyd go’aanka ay ka qaadatay Dhiibidda Qalbi-dhagax,waxaana uu soo jeediyay in go’aankaas ay ka laabato.

Doodda XIldhibaannada ayaa wali socota iyada oo xildhibaanno bandanna ay khudbeyn doonaan oo ay ka hadli doonaan go’aanka Xukuumadda ku wareejisay Qalbi-dhagax iyo go’aankii ay shacabka la wadaagtay ee ka hadlayay sababta ay Itoobiya ugu dhiibtay.

Warar ku dhow dhow Baarlamaanka ayaa sheegaya in laga yaabo in marka Xildhibaanada dooda dhameeyaan in arrinta loo xil saaro Guddiga joogtada Golaha shacabka, halka warar kalena ay sheegayaan in kiiskan maanta lagu soo afjaro.

TOOS ULA SOCO DOODA XILDHIBAANADA WIXII KUSOO KORDHA:


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. hadialamin45@hotmail.com says:

    XILDHIBAANADA INTA BADAAN WAA NUUN RAAC OO

    DANTOODA KALIYA AAY FIIRSANAAYAAN WAA TUUG

    TUUGO TUUGO DHASHAY XAARAAN JECEL ILAAHOW

    NAGA QABOW MUNAAFAQIINTA MEESHA FADHIYA AAMIIN




.