<

Shabaab oo Soo Bandhigay Magacyada Saraakiil Ay Ku Dileen Balad Xaawo..[Magacyo]

War Al Shabaab ay ku baahiyeen barahooda Internetka ayay ku sheegeen in faah faahinno dheeraad ah ay ka heleen xogo ku aadan weerarkii ay dhawaan ku qaadeen Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Waxaana Al Shabaab ay soo bandhigeen magacyada saraakiil ka tirsanaa ciidanka Jubbaland oo ay ku dileen weerarkaasi.

Al Shabaab ayaa sheegay in sarkaal lagu magacaabo Juun Cakaaro oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee maamulkaasi Jubbaland ay ku dileen halkaasi.

Sidoo kale Xarakada Al Shabaab ayaa tilmaamay in weerarkaasi ay ku dhaawaceen Rashiid Dhuxul oo ay sheegeen in uu ahaa taliyihii ciidanka dowladda ee degmooyinka Luuq, Doolow, Balad Xaawo iyo Garbahaarey.

Majiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Jubbaland oo ku aadan sheegashada Al Shabaab ee dilka saraakiishaas.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.