<

TOOS U DAAWO: Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo Jowhar Ka Socota…

Magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hir-Shbeelle ayaa waxaa iminka ka socda khudbadha ay jeedinayaan Musharixiinta u raagan qabashada xilka Madaxweynaha Mamulka Hir-Shabeelle.

Ilaa 4 Musharx ayaa Maanta loo qorsheeyay in ay khubadahooda jeediyaan halka Maalinta berito ah ay khudbadahooda jeedin doonaan 4 kale ee hartay.

RIIX HALKAAN TOOS U DAAWO MUUQAALKA

Khudbadii u horeysay ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Musharax Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo waxa uuna sheegay in hadii uu guulesto in uu wadahadal la furi doono Al-Shabaab sidoo kale waxa uu sheegay in kaalin weyn ay Maamulkiisa ku yeelan doonaan Haweenka.

Haatan waxaa khudbadiisa jeedinya Musharaxa Madaxweyne ee Cabdinaasir Shirwac Maxamed, isaga oo soo bandhigayo waxyaabaha uu qaban doono.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.