<

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Khasaaraha ka dhashay Dabkii Suuq Bacaad & qaabkii loo damiyay

Khasaare Hantiyadeed oo ballaaran ayaa ka dhashay Dab xalay ka kacay Suuq Bacaad oo ku yaalla Degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Guryo iyo sidoo kale Hanti badan ayaa dabkaasi ku baa’ay sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ganacsatadda Suuqa iyo sidoo kale Howlwadeena Gaadiidka Gurmad deg deg ah.

Dabka ayaa qabsaday qeybta dharka lagu iibiyo, ka dibna waxaa uu ku faafay qeybaha kale ee Suuqa  Sida Qeybaha kabaha iyo Sarifka.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA 

Maamulka gobolka Banaadir ayaa guuleystay daminta dabkaasi oo sababay Khasaare hantiyadeed.

Cabdi Salaan Axmed Cabdullaahi oo ka mid ah Shaqaalaha dabdamiska maamulka Gobolka Banaadir ayaa sharaxaya Khasaaraha ay arkeen ee ka dhashay dabkii ka kacay Suuq Bacaad.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.