<

WAREYSI: Shabaab oo soo bandhigtay Magaca iyo Qabiilka Ninkii fuliyay Weerar ismiidaamin ah….

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa shalay weerar xoogan oo isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah waxa ay shalay subax ku qaadeen Xeryo ciidan oo kutaala Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Weerarka ayaa ku bilowday Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari nuuca loo yaqaan Dyna uu waday ruux naftii hore ah, waxaana weerarkaasi is qarxinta lagu weeraray xero Ciidan oo kutaala degmada Balad Xaawo.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Al Shabaab ayaa baahisay wareysi ay ka qaaday ruuxii fuliyay weerarka ismiidaaminta ah ee ka dhacay Saldhiga ciidan ee kuyaala Balad Xaawo, waxaana magaca ninka weerarkaasi fuliyay Al Shabaab ku sheegeen Axmad Jaamac Nuur (Zubeyr) oo u dhashay Qabiilka Reer Shabeelle.

Ninkan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay weerarka ismiidaaminta ah uu fulinayay uuna ugu dhawaanayo ilaahey, waxa uuna ninkan kula dar daarmay dagaalyahanada kale ee Shabaab in ay sii wadaan dagaalka ay ku jiraan.

Weerarka Ismiidaaminta iyo midkii tooska ahaa ee Al Shabaab ku qaadeen Degmada Balad Xaawo waxaa ku dhintay dad ku dhaw 20-qof oo u badnaa dhinacyada dagaalamay, waxaa sidoo kale jira khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo dad shacab ah soo gaaray.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. axmedaxmed says:

    marka ay dirayaan in uuis qarxiyo, qabiil malaha, kufaartaas waxay leeyihiin jannaad geleysaa. waa munaafaqad. , ha ogaadaan kuwa is qarxinayaa ee cadaabka aduun iyo aakhiro muteystey.




.