<

Xog Deg Deg ah Daawo: Liiska Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Xukuumada RW kheyre & Arin Xasaasi ah…

Xildhibaanada DFS ayaa saaka kusii socda xarunta baarlamaanka halkaas oo uu ka furmayo shir aan caadi aheyn oo looga doodayo Fadexadii dowlada ka qabsatay in Itoobiya loo dhiibo C/Kariim Sh Muuse Qalbi-dhagax.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa lasoo sheegayaa in la hor geyn doono mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaare Xasan Cali kheyre iyo Xukuumadiisa, waxaana wada xildhibaano badan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Wararka ayaa sheegaya in tirada xildhibaanada mooshinka wada ay gaarayaan ilaa 130 laakiin warqada loo gudbinayo Gudoonka barlamaanka ay ku saxiixan yihiin ilaa 60 Xildhibaan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa aamisan iney ku guuleysan doonaan qorshahooda isla markaana ay ku qasbi doonaan gudoonka baarlamaanka in cod loo qaado mooshinka.

Waxaa jira warar sheegaya in xubno katirsan golaha wasiirada gaar ahaan kuwa baarlamaanka ku jira iney dadaal ugu jiraan sidii loo fashilin lahaa mooshinka iyo in laga dodo arinta Qalbi-dhagax.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Mohammed Hawad says:

    Af waa kan mey leka aamee
    Ma mooshin lacagdoonbaa Mise waa qarran dop ??




.