<

Xog Dhageyso: Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Hirshabelle oo loo la’yahay Musharaxiin….

Abuukar Xasan Cali Gudoomiye ku xigen Guddiga Doorashadda Hirshabeelle ayaa sheegay in uusan ilaa hadda Murashax Madaxweyne oo iska diiwaan giliyay Xarunta Gudiga ee ku taalla magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Waqtiga loo balansan yahay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku beegan 14 Bishaan oo ay ka dhimantay 10 maalmood oo kaliya ayaa gudiga doorashada waxay sheegayaan in uusan jirin ilaa hada murashax iska diiwaan giliyay tartanka loo galayo Madaxtinimada Maamulkaasi Hirshabeelle kadib markii xilka laga qaaday.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Abuukar Xasan Cali Gudoomiye ku xigen Guddiga Doorashadda Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Murashaxiin Boorar ku dhagsaday Magaalada Jowhar balse ilaa hada aan iska diiwaan gilinta Xarunta gudiga.

Ugu danbeyntii gudiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ugu baaqay dhamaan Murashaxiinta in ay si deg deg ah isku diiwaan giliyaan mudada yar ee ka harsan waqtiga doorashada si loogu helo waqti lagu aqriyo Documents-kooda in uu raacsan yahay Sharuudaha doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Axmed says:

    Waa siyaasad xumida FD iyo maangaabnimada duqayda beelaha daga labadaas gobol markii lagu yiri wixiinna buburiya anaa wax idin siinayee?????? Haddana xawaadle baladweyne ayuu dawlad uga dhawaaqay KKKKKK farmaajo iyo qeyre toodaa haysata maanta oo ayagaa baxarka ay ku jiraan raba wax la furdaamiya allow sahal ummuuraha




.