<

Xog Dhageyso: Shabaab oo Ficilo Yaab leh ka bilaabay Deegaanada Puntland & Gudoomiye Faraweyne oo afka furtay…

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa maanta shacabka gobolka Nugaal uga baaqay inay nabad gelyada si adag uga shaqeeyaan islamarkaana ay ka feejignaadaan weerarada kaga imaankara dhanka Al-shabaab.

Isga oo Saxaafada kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa sheegay Al-shabaab inay shacabka la maleegayso shirqoolo iyo falal qaraxyo ah, sidii kii Af-urur oo kale isla markaana loo baahan yahay in laga hortago.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxaa kale oo guddoomiyuhu sheegay inay lasoo baxeen hab dhaqan kale oo ah inay dadka laaluush weydiistaan cidii aan siinina ay bombooyin ku tuuraan xarumahooda ganacsiga, sida uu hadalka u dhigay Cumar Faraweyne.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. axmedaxmed says:

    Waa sheekada Hawiyaha war ma garatada ah.




.