<

DHAGAYSO: Fanaanka Nimcaan Hilaac oo ku laabanaya Hargeysa kuna biiri Doono Xidigaha geeska..

Fanaanka caanka ah ee Nimcaan Hilaac ayaa Wareysi uu bixiyay waxaa uu ku sheegay inuu rajeynayo inuu la midoobo kooxdiisii Xidigaha Geeska isla markaana uu ku laabto magaalada Hargeysa.

Nimcaan Hilaac oo mudo dheer aan ka tirsaneyn kooxdaas isla markaana ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo dalal kale oo bariga Afrika ku yaal ayaa sheegay inuusan jirin wax xurguf ah oo udhaxeysa isaga iyo Kooxda xidigaha geeska isla markaana uu rajeynayo inuu Hargeysa tago.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

“Aniga markii xubinimada la iga saarayay Suudaan ayaan ku sugnaa, malaha aniga maba la ii socon ee Yurub Geynyo ayaa la iraaciyay”ayuu yiri Fanaanka Nimcaan Hilaac.

Dhawaan Fanaanada Yurub Geeyno ayaa ku laabatay magalaada Hargeysa halkaas oo lagu soo dhaweeyay kadib mudo ay ku sugneyn Muqdisho.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.