Dhageyso: Abu Mansuur Oo Muqdisho Gudaheeda Ciidan Gaar Ah La Daba Dhigay & Xaalka Oo Isbadelay

Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha Al Shabaab kuwooda ugu magaca weynaa ayaa waxa la sheegayaa inuu hadda wajahayo Culeys kasoo gaartay Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya.

Abu Mansuur oo Bishii September Diyaarad ka keentay Xudur Gacanta Dawladana Soo Galay ayaa shaaca ka dhigay inuu Shabaab Afar Sano iyo Bilo ka iskaga tegay.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Rooboow Cali Ayaa waxa uu sheegay in uu diyaar uyahay wadahadalka usocda Dawlada dhexe inay noqoto mid natiijo fiican kasoo baxda.

Shabkada Badweyn.com ayaa waxay heshay xog ah in Ciidan Nabad Sugid Gaar ah la daba dhigay Abu Mansuur kuwaasi oo la soconaya dhaq dhaqaaqooda gaarka ah.

Dawlada Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in xil culus ay umagacaabi doonto Abu Mansuur walaw aan la ogeyn waxa uu noqonayo jagadaas laakiin dhinaca Meliteriga ayaa la aaminsan yahay inay tahay.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay