<

Dhageyso: Aktarka Caanka Ah Ee Abaska Oo Xil Culus Loo Dhiibay & Filimada Lagu Xasuusto

Warbixin lagu daabacay Maanta oo Arbaco Ah Majalada http://indianexpress.com waxaa lagu sheegay in Xil Culus loo magacaabay Aktar laga yaqaano Dalka Hindiya.

Aktarka Caanka ah Ee Lagu Magacaabo Anupam Kher Soomaalida Badankeedna ugu yeeraan Abaska ayaa waxa la sheegay in Xilkaasi uu kasoo bixi karo sida la aaminsan yahay.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxa Abaska Loo magacaabay Gudoomiyaha Shirkada Filimada Sameysa Ee Dalkaasi Caanka ah Ee La yiraahdo Film and Television Institute of India FTII ayaa loo soo gaabiyaa Magaca Shirkada.

62 Sano Jirkaan ayaa Filimo badan lagu Xasuustaa uu kasoo muuqday,isagoo Ku Caan baxay qeybta Majaajilada uu metali jiray Abaska.

Waxa uu Badel unoqday Gajendra Chauhan oo shirkada FTII Xilkeeda loo magacaabay 9 June Sanadkii 2015-kii.

Atoorayaal iyo Dad badan oo Magac ku leh Hindiya ayaa Hambalyo saacadihii lasoo dhaafay udirayey Abaska oo Xilkaasi lagu magacaabay.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.