Dhageyso: Askarigii Dhawaan Ku Rasaaseeyey Jowhar Xildhibaanada Oo Xog Laga Helay Cida Soo Dirsatay

Xildhibaano Katirsan Maamulka Hirshabelle ayaa waxa Axadii lagu rasaaseeyey Magaalada Jowhar Ee Gobolka Sh/Dhexe oo warar is khilaafsan kasoo baxayeen.

Labo Xildhibaan ayaa gaari Nuuca Raaxada ah oo ay wateen islamarkaana yaallay meel udhaw Saldhiga Jowhar waxa rasaas ooda uga qaaday Askari katirsan Meliteriga Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Coloow oo lahaa Gaariga la xabadeeyey waxa uu sheegay in weligiis uusan arkin Askariga dilka la damacsanaa muddo 30 Sano ahna degganaa Jowhar.

Waxa weerarkaasi ku dhaawacmay Xildhibaan Faarax Maxamed iyadoo 11 Xabo Gaariga lagu furay,waxaana ciidanka Amniga ay Gacanta ku dhigeen Askarigaasi falka geystay oo la xiray.

Hadda Badweyn.com waxay soo ogaatay in Askarigaasi laga soo musaafuriyey Balcad uuna usocday dilka Xildhibaanadaasi iyadoo Hadda la sheegayo askariga mid lagu wareejin doono Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida si kiiskiisa ula wareegto.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay