Dhageyso: Beesha Caalamka Oo Arin Halis Ah Ka Bilaabay Muqdisho & Shabaab Oo Loo Tashaday

Shir ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa la dagaalanka Argagaxisada Ee Dhibaatada ku heysa Dalka Soomaaliya.

Waxa Gobolka ay sidoo kale Caqabad ku yihiin Al Shabaab taasi oo la leeyahay waa laga tashaday sidii awoodooda loo wiiqi lahaa.

HALKAAN DHAGEYSO CODKA:

Shirka ayaa ka dhacay Xerada Xalane Ee Muqdisho,waxaana goob joog ka ahaa Xubno ka socday Beesha Caalamka iyo Mas’uuliyiinta Dawlada Soomaaliya.

R/wasaare Kuxigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo Hadal ka jeediyey Shirkaasi waxa uu sheegay inay ubaahan yihiin taageero laga siiyo la dagaalanka canaasiirta dalka iyo dadka dhibka ku haya.

Sidoo kale Ergeyga Gaarka ah Ee Q/M Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa dhankiisa hadal kooban ka jeediyey Kulankaasi.

Sikasbata ha ahaatee Dawlada Soomaaliya iyo Xulufada taageera waxay dagaal kala kulmaan Shabaab oo ah Koox Jihaad doon ah sida ay sheegaan iyadoo marar badan weeraro khasaaro nafeed iyo mid maal geystay ay dhaceen.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. axmed says:

    Dowlada Somaliya shacabka Somaluya oo dhan ma matasho. Gobollada maamulaa matala , shabaabna dowlad keleigeed waxba kama qaban karto.




warar kii ugu danbeeyay