<

Dhageyso: Beesha Hubeyr Oo Fariin Udiray Farmaajo & Ehelada Wasiir Cabaas Oo Xanaaqsan

Iyadoo dhawaan ay soo baxday in La Cafinayo Dable Axmed Ceydiid oo ahaa kii dilay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guryeynta Soomaaliya Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji ayaa hadda Beesha Wasiirka ay ka xanaaqeen Falkaasi.

Dilka Wasiirka waxa uu dhacay Bishii May Ee Sanadkaan waxaana intaasi kadib ay sheegeen beesha uu kasoo jeedo Wasiirka inaysan ku raali noqon doonin waxaan aheyn Khisaasta Axmed Ceydiid.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Beesha Hubeyr waxay ka biyo diiday in loo dhego nuglaado Habar Gidir oo urucleeneysa sidii looga bad baadin lahaa gacan ku dhiiglaha sidii khisaasta looga bad baadin lahaa.

Qof ka mid ah Ehelada Marxuum Wasiir Cabaas ayaa sheegay in ay ugudbiyeen Madaxweyne Faraamjo inuu ka laabanin go’aanka ah Tiirka oo la geeyo Dable Axmed Ceydiid.

Badweyn.com ayaa ogaatay dhawaan in la meel mariyey qorshe Odayaal Habar Gidir ah soo diyaariyeen oo ahaa mid lagu cafinayey oo jeelkana looga soo saarayo Axmed C/llaahi Ceydiid.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.