Dhageyso: Faah faahinta Yaa lala eegtay Qaraxa Xoogan ee Caawa ka dhacay Muqdisho…

Qaraxaan ayaa Caawa jugtiisa waxaa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaan Banaadir waxana la sheegay in uu ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso.

Qof ka agdhawaa ayaa sheegay in qaraxaan uu aha Miinada nooca dhulka lagu aaso ah taas oo la dhigay meel aan ka fogeyn Isbitaalka digfeer ee Degmada Hodan.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxa uu sheegay in qaraxa uu ka dhacay Derbiga u dambeeyay ee Isbitaalka mrka la aado dhanka tarabuunka isla markaana uusan ka dhalan wax khasaaraha ah.

Sidoo kale waxa uu shegay in inta uusan dhicin qaraxa ka hor mudo 10 Daqiiqo ah uu halkaasi maray mid ka mid ah Gadiidka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Goob qashinka la dhigo ayaa qaraxa lagu aasay jugtiisa wan maqalnay balse mageysan wax khasaaro ah waayo cidi uma dhaweyn goobta oo cidlo ayay aheyd balse haatan goobta ciidmo ayaa yimid oo Wadada wa la xiray cidna looma ogola in ay marto ayuu yiri goobjoogaha.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay