Dhageyso: Farmaajo Oo Deg Deg Looga Wacay Imaaraat-ka & Khilaafka Oo Meel Xun Gaaray

Kadib Badweyn.com oo hore ushaacisey in Khilaaf uu soo kala dhex galay Madaxweyne Farmaajo iyo Dawlada Imaaraat-ka Carabta hadda waxa la leeyahay is faham waaga waa sii xoogeystay.

Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya qaarkood ayaa xaqiijiyey in ay jirto is mari waa ka dhex jiro waayahaan Dambe Dawladaha Soomaaliya iyo UAE.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxay taasi soo dedajisey kadib markii ay soo if baxday Lacago siyaabo kala duwan looga helay Dalalka Khaliijka balse Imaaraat-ka uu ka indho qabsaday.

Farmaajo ayaa umuuqda mid doonta la gedin raba Dawlada Imaaraat-ka ayna ubadan tahay Khilaafkooda hadii xal deg deg ah la gaarin laga bixinayo Soomaaliya ayna DFS ka joojineyso Mashaariicda ay hadda qabtaan.

Ilo muhiim ah ayaa usheegay Badweyn in dhawaan Farmaajo uu Safar ku aadayo Imaaraat-ka si khilaafka soo if baxay loo dhameeyo.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. axmed says:

    Fashil buu ku socdaa Farmaajio iyo meel mugdi ah, Qadar oo 25 sano dagaal shabaab ka wadey hadana wali isaga ku bajineysa, haduu qadar eryo ayuu daba joogaa. Qadar Somaliyi lama macaamisho mana taqaan ,aduunka oo dhani wuu nacay. maxaa ninkaan daba geliyey, ? bal aan aragno meesha ay ku dhamaato.




warar kii ugu danbeeyay