<

Dhageyso: Farmaajo Oo Lacag dhan $100,000 Dollar Ku Aroosiyey Wiil Uu Abti Uyahay Oo Xil Haya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu Lacag Boqol Kun Dollar Ku Aroosiyey wiil uu abti uyahay oo ka shaqeeya Xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Xaflada Guurkaasi ayaa la sheegay Tamashleyn iyo Farxad badan ay hareysay oo dad khaas ah lagu Casuumay,waxaana Munaasabadaasi ka dhacday Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxa ka dhex muuqday Xaflada Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Xubno ubadnaa Baratakoolka Madaxtooyada.

Waxa la Aroosiyey Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada Soomaaliya oo loo yaqaano Siciid Kampalla oo Farmaajo Abti uyahay.

Lacag dhan Boqol Kun Dollar ayaa lagu Kharash gareeyey Arooskaasi.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.