<

Dhageyso: Galmudug oo Wariyaasha ka mamnuucay in ay tabiyaan Wararka Xubnaha Mucaaradka ku ah Xaaf….

Wasaarada Warfaafinta Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa maanta soo saartay Go’aano iyo digniin ku socota Warbaahinta Iyo Wariyaasha Ka Howlgala Deegaanada Galmudug.

Agaasimaha Qeybta Warbaahinta Wasaarada Warfaafinta Galmudug Maxamed Xasan Sahal Faynuus ayaa ka warbixiyay go’aanda ay soo saareen.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxa uu sheegay in magaalada Cadaado ay ku suganyihiin Dad uu ku sheegay Qaswadayal Doonaya inay duminayaan Galmudug Awooda Ay Adeegsanayaana ay tahay Warbaahinta Waxuuna Warbaahinta Ugu Baaqay Inay ka digtoonaadan Sideenta Wararka ay Dadkaasi Warbaahinta Siiyaan.

Sidoo kale Wasaarada Warfaafinta Galmudug yaa Sheegay In Wariyihii u hogaansami waaya Go’aanada iyo amarada ay soo saareen ay sharciga la’tiigsan doonaan.

Ugu Danbeyntii waxa ay Wasaarada warfaata Baaq U Dirtay Warbaahinta Deegaanada Galmudug oo ay Ugu baaqday inay ixtiraamaan Maamulka oo si dhaxdhaxaad nimo ah u shaqeeyaan.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.