<

Dhageyso: Hogaamiyaha Hirshabelle Oo Lacagtii Caleemo Saarka Aheyd Ka Waayey Dawlada Dhexe [SABABTA]

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa hadda uu kusoo dhacay meel cidlo ah maadaama Dhaqaalihii uu ka heli lahaa Dawlada Dhexe Soomaaliya.

Sida Qorshaha uu ahaa waxay Dawlada Soomaaliya bixin laheyd Lacagta Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Hirshabelle oo dhaceysa Isniinta Todobaadka dambe.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Dawlada Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay ka carootay Shirkii ka dhacay Kismaayo oo ay lahaayeen Shanta Madaxda Maamul Gobolleedyada ayna Dawlada Dhexe goob joog ka aheyn.

Ilo madax banaan ayaa Badweyn.com usheegay in Madaxweynaha Hirshabelle uu Lacagta Caleemo saarkiisa ka helayo Madaxda Maamul Gobolleedyada oo Ballan qaad ka helay.

Xiriirka Hogaamiyeyaasha Dawlad Gobolleedyada Soomaaliya iyo Madaxda Dawlada Dhexe ayaa sii kala fogaaday iyadoo Beesha Caalamka ay walaac ka muujiyaan Kala Aragti duwanaashada soo baxday.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. hadialamin45@hotmail.com says:

    HOGAAMIYOKOOXEEDKA GOBALADA WAA TUUGO OO

    RABA IN DOWLAD ISLAAM IS HEEYSATO IN MIDKOOD AAY LA SAFTAAN OODIIN EEY FIIRININ EE AAY FIIRINAAYAAN LACAG EE ALLA HA IDINKU GUBO YAARABBI AAMIIN




.