Dhageyso: Lataliyaha Farmaajo Maxamuud Tarsan Oo Bahdilay Soomali Badan Hal Arin Ay Sameeyaan

Dadka Qaba Cudurka Dhimirka Ayaa ku badan Weli Gudaha Soomaaliya kuwaasi oo ay badan yihiin dadka Waalida Dhaqanta ah Ee Dharkooda xiran.

Maalinta Ka hortega Cudurka Dhimirka Ee Dunida ayaa loo dabaal degaa 10 October oo shalay ku beegneyd islamarkaana meelo kala duwan laga xusay Gudaha Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Dr C/raxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo ah Agaasimaha Cusbitaalka Dhimirka Ee Muqdisho ayaa sheegay in dad badan ay qabaan Cudurkaan balse dedaal badan ay ugaleen sidii loo daweyn lahaa.

Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya dhinaca Arimaha Siyaasada Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay inay ugu baaqayaan joojinta isticmaalka Khaat-ka oo Waali laga qaado.

Waxa uu soo bandhigay dad badan uu ka war hayey London wada joogeena ay Cudurka Dhimirka qaadeen islamarkaana Hargeysa iyo Muqdisho loo soo kaxeeyey si loo daweeyo.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay