<

Dhageyso: Sarkaal ka tirsan DF oo lagu risaaseeyay Muqdisho xili Arooskiisa la Galbinayay…

Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay is rasaaseyn waxa ay ku dhexmartay degmada Dharekeynley ee gobolka Banaadir, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Is rasaaseyntan ayaa waxa ay u dhaxeysay Ciidanka Xasilinta iyo Ciidamo kale oo galbinayay Gaadiid Aroos lagu waday, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban, oo khasaare geystay.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Xasilinta oo halkaasi Howlgal ka waday ay ku amreen Ciidamada Arooska galbinayay in la baarayo gaadiidka ay wataan, si ammaanka loo xaqiijiyo, kadibna ay ka dhega adeegeen raggii hubeysnaa, sidaasina ay ku bilaabatay is rasaaseynta.

Hal qof ayaa dhintay ilaa laba qof oo uu ka mid yahay wiilka Arooska ayaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaad, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka.

Ninka Arooskiisa la gelbinayay ayaa lagu sheegay inuu ahaa taliyihii ciidamada nabad sugida ee deegaanka Jazeera ee gobolka Banaadir.

Dhanka kale Ciidanka xasilinta oo xalay howlgal ka waday degmada Dharkeynley ayaa soo qab qabtay boqolaal dad ah, oo u badan dhalinyaro, waxaana dhacdadan aad u hadal hayaa shacabka ku nool degmadaasi.

Sidoo kale, degmada Kaxda ayaa lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya oo la sheegay in halkaas lagu sameyn jiray kadibna magaalada Muqdisho lagu iibin jiray


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.