Dhageyso: Shariif Xasan “Shacabka K/Galbeed Guri Kor Ka Qunfulan Ayay Ku Jiraan..”

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay wadaan qorshe Dowladda Federaalka, Koonfur Galbeed, AMISOM ay ku doonayaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan degaanada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo AMISOM in hada ay wadaan dadaalo ku aadan sidii Shabaab ay dalka uga saari lahaayeen, lana sii kordhinayo howlgalada.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay Madaxdii Maamul Goboleedyada ee isugu tagtay magaalada Kismaayo in ay isla garteen sidii Dagaal mideysan loola geli lahaa Shabaab.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada Maamulkiisa ay qabaan dhibaatooyin kala duwan isla markaana ay ku jiraan Guri kor ka qufulan.

Degaanada u dhaxeeya Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa la sheegaa in ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo inta badan wadada u gala Gaadiidka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay