<

Dhageyso: Taliye Cirfiid Oo Ciidanka Habar Gidir Dhegta Wax Ugu Sheegay Kulankii Maanta Bariire

Safar aan hore loo shaacin ayaa waxa uu maanta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku gaaray Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Waxa uu Kasoo Jeeda Beesha Habar Gidir gaar ahaan Jufada Saruur waxaana Taliye Cirfiid uu sheegay inuu ka damqaday weerarkii Xasuuqa Ee Bariire ka dhacay Bishii Hore Ee September.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Taliyaha Xoogga Soomaaliya General Maxamed Jimcaale Cirfiid ayaa si gaar ah ula Kulmay ciidanka Beeshiisa Kasoo Jeeda Ee Kusugan Deegaanka bariire.

Waxa uu sheegay Taliye Cirfiid inuu ka xanuunsaday dhibaatada soo gaartay weeraradii ka dhacay deegaankaasi oo Ciidanka lagu laayey labo jeer oo is xig xigtay.

Waxa Taliye Cirfiid uu uballan qaaday Beesha Habar Gidir ugu jirta Ee kusugan Deegaanka bariire inay heli doonaan dhaqaale ka badan Askarta kale maadaama jab xoogan la gaarsiiyey.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.