<

Dhageyso: War lagu Farxay oo kasoo kordhay khilaaf Madaxda Sare ee Maamulka Galmudug…

Shalay geleinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug waxaa ka bilaawday wadahadalo u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ku xigeenkiisa iyo sidoo kale gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Xildhibaan Caasho Maxamuud Warsame Beyraqo ayaa sheegtay in wadahadaladaas ay yihiin kuwo Gooni Gooni ah kuwaas oo ka socda Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaaladaa Cadaado.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxa ay sheegtay in ay rajo wanaagsan ka qabto in khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug ay xal ka gaari doonaan, maadaama haatan si iskood ah ay u wada kulmayaan.

Waxa ay hadalkeeda ay intaas ku dartay in mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug ay labada dhinac u kala safteen taas oo ah mid aan wanaagsaneyn isla markaana isla xisaabtan uu jiri doono.

Xaaf ayaa horay u sheegay in Maamulkiisa ay faragelin ku hayaan Madax ka tirsan xukuumadda Soomaaliya balse ay xildhibaanada qarkood sheegeen in ay xilkii ka qaadeen walow uu weli sheegayo in uu yahay Madaxweynaha Galmudug.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. axmed says:

    waa beentood, Isagaa Madaxweyne ah, Faragelinta haka daayaan, kuwa leh dowlad baan nahay.

  2. Omarku says:

    Kkk waxaa hanala,dhaafiyo,ninkaas,,Dadka,,fican,hala,keeno




.